M/weyne Cirro oo lagu tilmaamay Biden-ka Afrika kadib fadeexad ka raacday Washington.

Thursday September 17, 2026 - 12:11:50
MeMO Staff
Madaxa maamulka daba-dhilifka Somaliland, C/Raxmaan-Cirro ayaa dhaleeceyn kala kulmay wareysi lala yeeshay oo lagu qabtay xarun cilmi-baaris siyaasadeed oo Maraykan ah oo loo arko inay si weyn ugu ol'olaysa dadaalka Somaliland ugu jirto aqoonsi ay ka hesho Maraykanka.
Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay Middle East Eye, Cirro ayaa muuqaal laga duubay isagoo qoslaya, neeftuuraya, hadalladiisuna mararka qaar aanay si cad u soo baxayn, intii uu socday kulan su’aalo iyo dood ah oo uu machadka Hudson Institute ku qabtay Washington.

Muuqaalka wareysigani wuxuu soo baxay xilli qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka iyo Yahuuddu ay booqashada Cirro ee Maraykanka ku tilmaameen mid xasaasi ah, taas oo uu maamulka Trump loogu gudbinayo dalabyo kala duwan oo Somaliland ay diyaar u tahay inay miiska soo saarto.

Dalabyadaas ayay warbaahinta Middle East Eye sheegtay inay ka mid yihiin in waxa loogu yeero maalgashadayaasha Maraykanka loo oggolaado inay helaan dekedaha iyo khayraadka macdanta, iyadoo Somaliland ay taas beddelkeeda doonayso aqoonsi rasmi ah.

Hase yeeshee ayay tiri warbixintu, markii Cirro la weydiiyay nooca macdanta istaraatiijiga ah ee Somaliland ay Maraykanka siin karto iyadoo beddelkeedu yahay aqoonsi, ayuu qosol kaga kacay, isagoo sheegay inuusan ahayn khabiir ku takhasusay cilmiga dhulka.

"Ma garanayo… waxaa laga yaabaa wax walba,” ayuu yiri isagoo qosol yar raaciyay. Iyadoo Cirro uu mar kale haddana u muuqday mid ku wareeray markii wax laga weydiiyay dagaalka Suudaan, oo ka mid ah colaadaha ugu khasaaraha badan qaaradda Afrika.

Wuxuu tilmaamay in Suudaan ay aad uga fog tahay Somaliland, wuxuuna Suudaan la barbardhigay Venezuela marka laga hadlayo masaafada ay Somaliland u jirto. Hase yeeshee, xuduudda Suudaan waxay Somaliland u jirtaa qiyaastii 750 km oo keliya.

"Laakiin Suudaan sidaas uma foga,” ayuu si dhoolla-caddayn ah ugu jawaabay qofkii kulanka hagayay, isagoo u muuqday mid aan ku qanacsanayn jawaabta, ayuu yiri "Aan Suudaan ka gudubno.”

"Tani waxay ahayd hoggaamiye tabar-daran oo da’ ah, kaas oo aan si buuxda u awoodin inuu gudbiyo fariintii uu u yimid inuu u gudbiyo dhagaystayaal reer Washington ah oo shaki qaba. Waxay ahayd sidii qof daawanaya Biden Afrikaan ah,” ayuu Cameron Hudson, oo ah sarkaal hore oo sirdoonka Maraykanka ka tirsanaa kuna takhasusay arrimaha Afrika, ku qoray bartiisa X.

Middle East Eye, waxa kale oo ay sheegtay in Cirro uu sidoo kale bixiyay jawaab aan toos ahayn mar la weydiiyay sababta ay tahay in Maraykanku u aqoonsado madax-bannaanida Somaliland.

"Dhab ahaan, [Somaliland] kama tirsana Soomaaliya,” ayuu Cirro yiri isagoo qoslaya. "Aragti ahaan, Somaliland waxay qayb ka tahay Soomaaliya,” ayuu intaas ku daray.

Joshua Meservey, oo ah khabiir ka tirsan Machadka Hudson Institute, ayaa sheegay in dadka reer Somaliland aanay si xoog ah weli u soo bandhigin doodda iyo ujeeddada rasmiga ah ee ay aqoonsi ku doonayaan ama ay ku raadinayaan in ay ku helaan saaxiibo caalami ah.

Meservey oo ah ninkii waraysiga qaaday, oo la hadlay warbaahinta Yahuudda ee i24NEWS, ayaa sheegay in weli Somaliland aysan caddayn sababta ay aqoonsi u raadinayso, isagoo saluug xooggan ka muujiyey war-celinnadii Cirro uu ka bixiyey su’aalihii uu waydiiyey.

"Waxaan u malaynayaa in Hargeysa aysan weli si joogto ah, istiraatiiji ah, oo ku filan u soo bandhigin dooddaas…waxa muhiim ah inaad caddayso sababta ay lama-huraan ugu tahay Mareykanka inuu Somaliland aqoonsado.” Ayuu yiri Mesevey.

Si kastaba, Cirro waxa uu madashaasi kala hulleelay fadeexad hor leh, iyadoo lagu tilmaamay in uu yahay Biden-ka Afrika, oo laga wado inuu leeyahay astaamaha madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden, kaas oo xilliyadii dambe ee muddo-xileedkiisa asaasaq dartii isku dhex daatay.

FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:

Related Items

Update cookies preferences